Milateriga Soomaaliya oo diiday eedeynta kooxda kormeerka hubka Soomaaliya iyo Eretria * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Soomaaliya oo diiday eedeynta kooxda kormeerka hubka Soomaaliya iyo Eretria

Muqdisho – Mareeg.com: Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyey in hubka dowladda uu gacanta u galay kooxo gaar ah, kadib markii kooxda la socdka hubka Soomaaliya iyo Eretria soo saareen warbixin xustay in hubka dowladdu gacanta u galay rag ka tirsan Alshabaab.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi “Indha-Qarshe” ayaa sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku qanceen qaabka loo maamulayo hubka taageero ahaan loo siiyo dowladda Soomaaliya wixii ka dambeeyey markii sanadkii hore la khafiifiyey cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliy.

 

Taliyaha ayaa sheegay in qubaro ka socota Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay yimaadeen magaaladda Muqdisho, islamarkaana ay u kuurgaleen xaaladda bakhaarrada hubka ee Soomaaliya iyagoo kontrool ku sameeyey dhamaan qeybaha hubka, sidoo kalana ay sharaxaad ka siiyeen tirada guud ee hubka yaala inta ka maqan qaabka ay ku baxeen iyo saxiixa markii hore uu hubkaasi kusoo galay.

 

Talyaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixinta ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo Eretria “Warbixintaas waa been abuur, gudiga daba galka cunaqabateynta hubka labo jeer ayay yimaadeen, waxaan geynay bakhaarada hubka keydka dowladda, halkaas macluumaad ayay ka heleen, waana ku qanceen, sawiro waa ka qaateen”ayuu yiri Jen. Indha-Qarshe oo la hadlay VOA.

Warbixin qarsoodi ah ay soo saareen kooxda UN-ka u qaabilsan kormeerka cunaqabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan xakameyn Karin hubka la siiyo ama ay soo iibsato.

 

Warbixinta oo ka koobneyn 14 bog ayaa guddiga Golaha Ammaanka ee QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka Soomaaliya iyo Eritrea ku talinayaa soo celinta cunaqabateynta hubka Soomaaliya ama ugu yaraan la adkeeyo qaabka hubkaas loo maamulayo.

 

Kooxda Monitoring Group ayaa muujisey sida ay uga walaacsan yihiin qaabka loo maamulo hubka iyo kaydka rasaasta dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!