Milateriga Soomaaliya oo codsaday diyaarado iyo doonyo daabula ciidamada & qalabkooda

Muqdisho – Mareeg.com: Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay iney dowlado dhowr ah ka dalbadeen in ciidanka Milatariga Soomaaliya gacan ka siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo la siinayo qalab iyo gaadiid circa iyo badda ah oo ay adeegsadaan.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalala daneeya arrimaha Soomaaliya ka dalbadeen diyaarado xamuul ah iyo doomo daabula ciidamada dowladda Soomaaliya si ay si fudud ugu gaaraan deegaanada ay doonayaan.

“Waxaan dowladaha saaxiibka ah qaarkood ka dalbanay diyaarado xamuul oo aan aheyn kuwa dagaalka iyo doonyo daabula ciidamada, waxaana rajeyneynaa iney nasoo gaar siiyaan” ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Jen. C/risaaq Khaliif ayaa sheegay in dalalka codsigaas loo jeediyey ay dowladda ka dalbadeen iney tababar siiyaan raggii ku shaqeyn lahaa gaadiidka badda iyo cirka ee ay dalbadeen, wuxuuna xusay iney arrintaas ku guda jiraan, islamarkaana uu in ay helaan diyaarado iyo doomo.

Alshabaab ayaa go’doomiyey qaar ka mid ah degmooyinka Alshabaab laga saaray, sida Xudur oo gobolka Bakaool, Buulo-barde oo ah gobolka Hiiraan iyo Ceelbuur oo ah gobolk Galgaduud.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245