Milateriga Soomaaliya oo Amisom ka helay gaadiid aan xabaddu karin (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Soomaaliya oo Amisom ka helay gaadiid aan xabaddu karin (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: AMISOM ayaa milateriga Soomaaliya ugu deeqday qaar ka mid ah gaadiidka ay ku dagaallamaan ee aan rasaastu Karin, iyadoo arrintaani u muuqato mid lagu dhiiri gelinayo ciimada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Warbaahinta ayaa loo soo bandhigay dhowr ka mid ah gaadiidka dagaaalka ay adeegsan jireen AMISOM oo ay wataan milateriga Soomaaliya.

Gaadiidkan ayaa laga tiray astaanta ciidamada Midowga Afrika ee AU, waxaana lagu qoray calanka Soomaaliya iyo astaanta ay leeyihiin gaadiidka milateriga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkaan ay ciidamada ugu deeqeen ciimadamada AMISSOM.

Ciidamada dowladda oo wata gaaadiidkan ayaa haatan lagu arkaa gobolka Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo tilaabadani tahay tii ugu horreysay ee AMISOM gaadiid dagaal oo ay adeegsato ku siisay milateriga Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!