Milateriga Soomaaliya, Jabuuti Iyo Itoobiya Oo U Dhaqaaqay Deegaano Alshabaab Ka Joogaan Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Soomaaliya, Jabuuti Iyo Itoobiya Oo U Dhaqaaqay Deegaano Alshabaab Ka Joogaan Hiiraan

Baledweyne, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ciidamo isugu jira Soomaali, Itoobiya iyo Jabuutiyaan ay ka baxeen magaalada Baledweyne, iyagoo qabtay dhanka magaalada Buulo-barde oo ka tirsan gobolka Hiiran, ayna gacanta ku hayaan Alshabaab.

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolka ku leedahay, iyagoo sheegay in ciidammo lugta ah ay xalay ku baxeen laba jiho, saakayna ay magaalada ka ambabaxeen gaadiidkii dagaalka.

Ciidamada ayaa ku kala baxay labo jiho oo kala bari iyo galbeed, iyadoo aan war huban laga heyn halka ay ku socdaan iyo in socdaalkoodu yahay sahan iyo inuu yahay dagaal ay ku qaadayaan saldhigaya Alshabaab oo la rumesan yahay in laga soo abaabulay labo weerar oo dhawaan ka dhacay baledweyne, islamarkaana ay ku dhinteen ilaa ku dhawaad 60 ruux.

Sarkaalk ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo magaciisa qariyey ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in ciidammo lug ah oo aad u hubeysan ay xalay gellinkii dambe ka baxeen Baladweyne, iyagoo magaalada uga baxay dhinayada bari iyo galbee.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo dhinaca Bariga ku baxay ay ku dhow yihiin deegaanka Garasiyaani, halka kuwa Jabuuti iyo Somalia oo iyaguna ku baxay dhinaca Galbeedka ay ku dhow yihiin deegaan lagu magacaabo Luuq-jeeloow.

Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada Baledweyne ayaa horay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Amisom ugu dhaliilay ineysan Alshabaab ka saarin degmooyinka gobolka Hiiraan, taasoo u fududeysay iney soo abaabulaan weerao qaraxyo ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!