Milateriga Soomaaliya Iyo Maleeshiyo Beeleed Mar Kale Dagaalamay Nambar 50

Read Time:57 Second

Muuri, Mareeg.com: Dagaal xoog leh ayaa saaka markale ka qarxay degaanka No. 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dagaalku galay maalintii labaad.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya milateriga Soomaaliya iyo maleeshiyo beeldeed deegaanka ah oo lagu eedeeyey iney dhigteenb isbaaro, islamarkaana hoosta ku wataan Alshabaab, waaa sida ya leeyihiin saraakiisha ciidamada dowladda hogaamineysee.

Dagaalka ayaa saaka ku dilowday madaafiic milaterigu ku garaacay deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyaada Beesha Biimaal oo u dhashay deegaanka, hase ahaatee lagu heyso iney dhigteen isbaaro aan dowladdu ogoleyn.

Gudoomiyaha deegaanka Nambar 50 ayaa ku eedeeyay Ciidamada Milateriga ay xasuuq ka geysteen deegaanka, isla markaana dagaalka ay hogaaminayeen Saraakiil ay ka mid yihiin Jen, Qaafow iyo Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo mar ka talin jiray Gobolka Shabellaha Hoose, isagoo hogaamiye kooxeed ahaa.

Sida dad ku sugan tuulada Muuri oo u dhow No. 50 Mareeg u sheegeen, dagaalka ayaa qaboobay maanta barqadii, lamina oga weli khasaaraha ka dhashay.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 13 qof oo isgu jira dhinayacda dagaallamay iyo dad rayid ah oo deganaa tuulada No. 50 oo ku yaalla garoon diyaaradeed, kaasoo ay saldhig ku leyihiin ciidamada AMISOM.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %