Muqdisho, Mareeg.com: Dagaal u dhaxeeya milateriga Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleed ayaa manta ka qarxay deegaanka No. 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaaa dhacay kadib markii ciidamo ka socda Milateriga Soomaaliya oo wata ku dhawaad ilaa 10 gaadiidka dagaalka ah ay weerareen saldhig ay deganaayeen maleeshiyo beeleed madani ah oo ku taalla deegaanka No. 50.
Wararka ka imaanaya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in milaterigu halkaas weeraray kadib markii maleeshiyo beeleedku dhigteen isbaaro lagu qaado lacago baad ah, iyadoo halkaas uu maro jidaka Isku xira Muqdisho iyo Kismaayo.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Lambar 50 ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen maydadka lix ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, dagaalkuna uu u fiday dhinaca deegaanka Muuri oo u dhaxeeya Lambar 50 iyo Laanta Buuro.
Nin sheegtay inuu yahay gudoomiyaha deegaanka No. 50 ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho in weerarka lagu soo qaaday deegaanka, isla markaana ay ka mas’uul yihiin weerarkaas saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Ninkaan ayaa sheegay iney iska difaaceen ciidamada milateriga ee soo weeraray, wuxuuna yiri “Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan saraakiil sarsare ayaa saakay soo weeray deegaanka Lambar 50, laakiinse waan iska difaacnay, balse mar kale ayay soo rogaal celiyeen qaybo ka mid ah deegaanka gacanta ku dhigay,”.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Milateriga ee weerarka qaaday uu hogaaminayo Jen. Qaafow oo qaabilsan howl gelinta ciidamada milateriga Soomaaliya.
Deegaanadaas waxaa horay ugu dagaallamay labo beelood oo ku wada sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa colaadaas xalisay, waxaana mid ka mid ah maleeshiyada labada beelood qaab madani ahaan u joogeen Muuri iyo No. 50.
Mareeg.com