Muqdisho, Mareeg.com: Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2014 ay Alshabaab ku qaadi doonaan weeraro hor leh.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe, ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay kuguda jiraan abaabul ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Sanadka cusub ayuu sheegay taliyaha ciidanka xooga dalka in guud ahaan dalka Soomaaliya laga saarayo Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kula jira, waxaana uu intaasi hadalkiisa sii daba dhigay in dagaalyahanada Alshabaab aysan heysan hub ay ku dagaalamaan.
Taliye Indhoqarshe wuxuu kaloo sheegay in guud ahaan la mamnuucay ka ganacsiga tuutaha ciidanka Dowladda, isaga oo sheegay in laga joojiyay dadkii uu usoo dagui jiray tuutahaasi oo ka ganacsan jiray.
Dhanka kale, Afhayeenka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay xaqiijineyso ammaanka, ayna sii wadi doonto dadaallada billowga ah ee nabadda iyo horumarka ee ka socda dalka.
Wuxuu xusay in AMISOM ay had iyo jeer garab taagan tahay shacabka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Xumad ayaa tilmaamay inuu ka xun yahay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan dalka oo ay dad shacab ah ku dhinteen.
Mareeg.com