Milateriga Soomaaliya iyo AMISOM oo raashin gaarsiiyey deeganka Buurweyn * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Soomaaliya iyo AMISOM oo raashin gaarsiiyey deeganka Buurweyn

Mareeg.com: Milateriga Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Bururndi oo ka baxay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiraan ayaa raashin gaarsiyey deegaanka Buuweyne, halkaasoo ay Alshabaab go’doon dhaqaale saareen.

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo ay wehliyaan kuwa AMISOM oo maalmihii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ku guuleeystay iney raashin gar gaar ah geeyaan magaalada Buurweyn, oo ay dhawaan ka saareen Alshabaab.

Howlgalkan oo ka bilowday degmada Jalalaqsi ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo furi lahaa wadada u isku xirta Jalalaqsi iyo Buulobarde oo ay ku jireen Shabaab, si loo gudbiyo kolonyo gaadiid ah oo raashin gar gaar ah u sidday degmada Buulobarde iyo deegaano hoos yimaada.

Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa iney si nabad gelyo ah, raashinkaasi ugu qeybiyeen dadka ku dhaqan magaalada Buurweyn, kuwaas oo Alsbabaab ay muddo dheer ka hortaagnaayeen in loo gudbiyo gar gaar ay dowladda federaalka ugu talagashay.

Ciidamada is garabsanaya ayaa la filayaa iney horay u sii socdaan oo raashin kale gaarsiiyaan degmada Buulo Barede, halkaas ay maamulaan milateriga Soomaaliya iyo ciidamad AMISOM ee ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!