Milateriga Soomaaliya iyo Amisom oo ku wajahan Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan

Baledweyne – Mareeg.com: Ciidamada AMISOM ee ka kala socda Itoobiya iyo Jabuuti iyo ciidamada Soomaaliya ayaa saaka ka dhaqaaqay magaalada Baledweyne, iyagoo kusii jeeda degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaasoo Alshabaab maamulaan, una ah saldhig weyn oo muhiim ah.

Sida uu Mareeg Media u sheegay goobjooge ku sugan Baledweyne, ciidamada Itoobiya oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ku baxay jidka laamiga ah ee taga degmada Buulo-burte.

Sidoo kale, ciidamada Jabuuti iyo milateriga Soomaaliya ay ku baxay jid carri ah oo galbeed ka mara webiga Shabeelle, islamarkaana taga isla degmada Buulo-burte.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax dagaal ah oo dhacay, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya sheegeen iney saacadaha soo socda gaari doonaaan degmada Buulo-burte.

Saaka aroortii hore ayaa la jaray Isgaarsiinta gobolka Hiiraan, hase ahaatee waxaa dib loo furay barqadii maanta abaare 11:00 AM ee saacadda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa dhankooda xaqiijiyey in ciidamada is-garabsanaya ee iyaga ka horjeeda ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan, waxeyna sheegeen in laga yaabo in dagaallo ka dhacaan duleedyada Beldedweyne.

Dadka ku nool degmada Buulo-burte ayaa bilaabay iney barakacaan, kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo habeenimadii xalay ka dhaqaaqay Beledweyne.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245