Milateriga Soomaaliya iyo Alshabaab oo isu dhaafay gacan ku heynta deegaanka Raage Ceelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Soomaaliya iyo Alshabaab oo isu dhaafay gacan ku heynta deegaanka Raage Ceelle

Muqdisho – Mareeg.com: Deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku dhacay gacmo kala duwan oo kala ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab.

Labo maalmood ka hor ayaa Alshabaab ka baxeen deegaanka Raage Ceelle, waxaana shalay si nabad ah shalay ula wareegay ciidamada milateriga Soomaaliya, kuwaasoo xalay dib uga laabtay.

Saaka arroorti ayaa mar kale Alshabaab iyadoo aan wax dagaal ah dhicin la wareegeen deegaankaas, waxaana arrimahaan walaac ku abuureen dadka halkaas ku dhaqan oo ka cabsi qaba in lagu dul dagaallamo.

Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaaa si kooban u sheegay iney shalay Raage Ceelle u tageen arrimo sahan, islamarkaana uu jiro qorshe ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM isugu fidinayaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas Alshabaab soo dhoobeen ciidamo laxaad leh, xilli la hadal hayo howlgallo ururukaas ka dhan ah oo laga sameynayo Shabeellaha Dhexe.

Alshabaab ayaaa maamula inta badan dhulka Shabeellaha Dhexe, iyadoo dowladda Soomaaliya ka maamusho ilaa 3 degmo oo kala ah: Balcad, Jowhar iyo Mahadaay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!