Milateriga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan oo guul ka sheegay dagaal Alshabaab kusoo qaadeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan oo guul ka sheegay dagaal Alshabaab kusoo qaadeen

Mareeg.com: Ciidammada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegtay iney Alshabaab ku jebiyeeyn dagaal ay xalay ku qaadeen bar ay ciidamadu ku lahaayeen duleedka magaalada.

Gaashaanle Dhexe, Isaaq Cismaan Idiris oo ah Abaanduulaha Guutada 5-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaar ka mid ah ragii weerarkaas soo qaadaay la dilay, mid ka mid ahna la qabtay isagoo dhaawac ah.

“Dad badan oo dhaawac ah ayaan ka heynaa Al-Shabaab, Annagu ma dileyno dhallinyaradan sida ay sameeyaan oo kale ee waan daawaynaynaa waayo waa dhallinyaro Soomaaliyeed” ayuu yiri Korneyl Isaaq Cusmaan oo la hadlay RM.

Taliyaha ayaa sheegay iney warbaahinta usoo bandhigi doonaan ninka dhaawaca ah ee hayaan, isagoo tilmaamay iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!