Milateriga Somalia iyo Amisom oo la wareegay Toora Toorow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Somalia iyo Amisom oo la wareegay Toora Toorow

Mareeg.com: Milateriga Soomaaliya, iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka la wareegay degmada Toora Toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kadiob markii ay xalay weerar ku qaadeen.

Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Jen C/rasaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidamada ay galeen deegaankaasi iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah, isla markana ay ku howllanyihiin baaris lagu sameynayo xaafadaha.

Jen C/rasaaq ayaa sheegay in ciidamada ay deegaankaasi ku soo dhaweeyeen dadka deegaanka isagoo sheegay in Salagle iyo meelaha ay ku harsanyihiin si dag dag ah ay ciidamadu u gaari doonaan.

Guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose, degmada Sablaale oo kaliya ayaa ku hartay gacanta Al-Shabaab.

Abaanduulaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in Tuuratoowow tahay halkii Alshabaab uga soo duuleen Mubaarak iyo Aw-dheegle, halkaa labo jeer dagaallo ka dhaceen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay deegaano ka tirsan gobolkaasi kula dagaalameen ciidammada dowladda iyagoo qabsaday kaddibna isaga baxay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!