Milateriga Nigeria oo gabdho badan kasoo celiyey Boko Haram * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Nigeria oo gabdho badan kasoo celiyey Boko Haram

Mareeg.com: Militariga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 200 oo gabdho yaryar ah iyo 93 haween, kuwaas oo lagu haystay Waqooyiga bari ee dalkaasi.

Dadkan la haystay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Xaraam.

Balse militariga ayaa sheegaya inaysan xaqiijin karin in gabdhihii ka badnaa 200 ee laga afduubtay Chibok sanadkii hore inay ka mid yihiin kuwa hadda la badbaadiyay.

Militariga ayaa tilmaamay in la baarayo gabdhaha iyo haween ka kale ee la badbaadiyay.

Balse militariga waxa ay ogaanayaan aqoonsiyadooda. Waxayna si cad u sheegayaan in kuwaan aysan ahayn ka dhihii iskuuleyda ahaa ee laga qafaashay Chibok.

Taxaddarka hadda ka muuqdo wararka ay militariga Nigeria soo saarayaan waxa uu yahay in laga fogaado qaladaad horey u dhacay.

Bishii October ee sanadkii hore, dowladda ayaa ogolaatay in heshiis xabad joojin ah ay la gashokooxda si gabdhahii Chibok loo sii daayo, laakiin Boko Haram ayaa arrintaasi diiday.

Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman Kuka-sheka, ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay in seddax xero oo kooxdu ku lahayd keynta ay burburiyeen.

Dhowrkii bil ee la soo dhaafay, ciidamada dalka Nigeria waxa ay dib u qabsadeen deegaanadii ay Boko Xaraam ka talisay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!