Milateriga Koonfurta Sudan Oo Ku Dagaalamay Juba Labo Beelood Oo Loo Kala Saftay

Read Time:1 Minute, 48 Second

Juba, Mareeg.com: Dagaal xoog leh ayaa xalay ka dhex qaraxay ciidamo ka wada tirsan milateriga dalka Koofurta Sudan kadib khilaaf muddo soo jiitamay uu dhaxeeyey madaxweynaha dalkaas Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne ku xigeenkiisii Riek Machar oo uu xilka ka qaaday bishii July ee sanadkaan.

Dagaalka ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Juba, waxaana goobjoogayaal sheegeen iney maqleen rasaas xoog leh iyo qaraxyo goos goos ah.

Dagaalka ayaa saaka la maqalayey, waxeyna u muuqatay in ciidamada dowladda oo labo beelood u kala saftay, islamarkaana kala taageeraya madaxweyne Salva Kiir Mayardit, iyo ku xigeenkiisii xilka laga qaaday Riek Machar ay dagaalamayaan.

Jock Madut oo ah madaxa “Institute of South Sudan” ayaa sheegay in la rumeysan yahay in bilowga dagaalka ay sababeen taageerayaasha madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday, Riek Machar.

Dagaalka ayaa ka qarxay labo xero ciidan oo milaterigu leeyahay, kuwaasoo mid ka mid ah ku taallo deegaan lagu magacaabo Balbam oo ah woqooyiga garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Juba.

Xerada labaad ee dagaalku ka dhacay ayaa lagu maagacaaba Al-jabal “The Mountain”, waxeyna ku taalla Koonfurta caasimadda ee Juba.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Koonfurta Sudan oo lagu magacaabo ÇĘäě Wake ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dagaalku markii hore ka dhex qarxay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo ku sugnaa xerada Al-jabal.

Safaaradda mareykanku ku leeyahay Juba ayaa beenisay in Riek Machar uu magengelyo ahaan u galay xarruntooda, waxeyna barteeda Twitter ku sheegtay in ergada dublamaasiyadeed ee Mareykanka halkaas u jooga ay si dhow ula socdaan arrimaha amaanka dalka Koonfurta Sudan.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka ka bilowday Koonfurta dalka Sudan.

Ciidamada dagaallamay ayaa qeyb ka mid ah kasoo jeedaan beesha Nuer oo uu kazoo jeedo Riek Machar, halka qeybta kale kazoo jeedaan beesha Aldnga oo uu kazoo jeedo madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

Labada beelood ee Nuer iyo Aldnga ayaa waxaa ka dhaxeeya taariikh dheer oo colaadeed, waxaana beesha Nuer ku eedeysaa beesha madaxweynuhu kazoo jeedo ee Aldnga iney dhulka qabsatay.

Dowladda Sudan ayaa la dhisay bishii July ee sanadkii 2011 kadib markii dadka halkaas ku nool u codeeyeen iney ka go’aan dalweynaha Sudan oo ay horay uga tirsanaa jireen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %