Milateriga Kenya Oo Sheegay Iney Duqeeyeen Xero Lagu Tababaro Xoogaga Alshabaab

Read Time:1 Minute, 54 Second

Nairobi – (Mareeg.com): Milateriga Kenya ayaa sheegay inay xalay duqeeyeen meel ku dhow degmada Diinsoor ee gobalka Baay halkaasi oo la sheegay inay ku taalay xero ay ku tababartaan xoogaga Al Shabaab.

Weerarka Milateriga Kenya sheegay inuu ku qaaday gudaha Soomaaliya ayaa soo baxay kadib war shalay kazoo baxay AMISOM oo sheegay inuu bilowday howlgal milateri oo lagu bartilmaameedsanayo xerooyin tababarka Alshabaab ee gobollada Jubada Dhexe, Baay iyo Jubada Hoose.

Col. Cyrus Oguna oo u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay gebi ahaan burburiyeen xero Alshabaab ciidamadooda ku sugnaayeen.

Korneylka ayaa sidoo kale sheegay in xeradaasi ay tahay goobtii lagu soo tababaray qaar kamid ah dagaalyahanadii fuliyey weerarkii Westgate ee 21kii September ka dhacay magaalada Nairobi.

Col. Cyrus Oguna ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntan ay daba socotay duqeyntii todobaadkan ka dhacday duleedka magaalada Jilib oo la sheegay in lagu dilay labo nin oo ka tirsanaa Al Shabaab oo la sheegay inay qeyb ku lahaayeen tababarka Al Shabaab, kuwaasoo kala ahaa Ibrahim Cali Cabdi (Anta Anta) iyo nin kale oo lagu magacaabo Cabdifataax.

“Weerarkaani waa qeyb ka mid ah howlgalka looga soo horjeedo Al-shabaab, waxaana Bartilmaameedsanay Xero Al-shabaabka ay ku tababaranayeen, Kooxihii Weerarka Westgate ku qaaday waa halka ay ku tababarteen” ayuu yiri Afhayeenka Malitariga Kenya Colonel Cyrus Oguna.

Sarkaalkan u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in xoogaga Kenya ee ka tirsan AMISOM ay dar dargelin doonaan hawlagalada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab oo ay ka fulin doonaan Jubada Hoose iyo Jubada dhexe iyo waliba gobalka Bay, waa sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay ciidamada Kenya.

“Xerada markii la duqeenayey waxaa ku sugnaa koox cusub oo Al Shabaab ka tirsan oo gaaraya 300 qof oo tababar halkasi looga furay iyo sadex gaari oo Tikniko ah, waxaa halkaasi ku burburay gawaaridaasi, waxaana dhici karta maleeshiyo badan inay halkaasi ku dhimatay…” ayuu yiri Col. Cyrus Oguna

Alshabaab ayaa todobaadkii lasoo dhaafay gobolka Jubada Dhexe kusoo bandhigay dhallinayaro ay sheegeen iney loo tababaray dagaal, waxaana Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson ka digay tababarada sii socda ee Alshabaab iyo hakadka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa beeniyey weerarkaas milateriga Kenya sheegtay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in weerar diyaradeed dhacay inkastoo aan laga warheyn khasaaraha ka dhashay.

Maree.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %