Milateriga Kenya Iyo Alshabaab Oo Ka Hadlay Dagaal Kulul Oo Ka Dhacay Jubada Hoose

Read Time:1 Minute, 32 Second

Kulbiyow – (Mareeg.com): Milateriga Kenya iyo Alshabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Hoose, kuna xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dagaalka dhex maray labada dhinac ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar qorsheysan ku qaaday deegaan ku dhow Kulbiyow, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay saldhig ku lahaayeen.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu qaatay saacado badan, isagoo bilwoday geellinkii hore ee shalay, waxaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Alshabaab ayaa iyagu sheegay in markii dagaalku cuslaaday ay kusoo biireen ciidamada circa Kenya oo adeegsanayey diyaarado dagaal.

Afhayeenka Ciidamada Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in sodon ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen saldhiga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan ay ka soo weerar qaadi jireen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus uu ka dhacay deegaan ilaa 25-km u jira degmada Badhaadhe.

Gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow Maxamed Xaaji Muxumed ayaa BBC u sheegay in weerarka ay ku qaadeen Taliska Al-Shabaab ay kaga soo duuli jireen Badhaadhe iyo Kulbiyow.

“Meesha marka hore waxaa u dirnay ciidan deegaanka ah oo soo sahmay, kadib ciidanka dowladda ayaa qaaday weerarka, ciidamada Kenya gurmad ayay ahaayeen ilaa 11 meyd ayaa meesha ku arkay, kuwa kale oo badana waa jiraan”ayuu yiri Gudoomiyaha Kulbiyow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in taliskaas ay ciidankooda la wareegeen, isla markaana ay ka carareen Shabaab sida uu hadalka u dhigtay.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Alshabaaab Sheekh Cabdi Caziiz “Abuu Muscab” oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku dileen 4 Askar oo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya, islamarkaana dhaawaceen sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Ma jiraan warar ka madax banana labada dhinac oo war ka bixyey dagaalka shalay deegaanka Kulniyow ee gobolka Jubada Hoose.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %