Milateriga Kenya iyo Alshabaab oo dagaal ku dhexmaray gobolka Xeebta Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Kenya iyo Alshabaab oo dagaal ku dhexmaray gobolka Xeebta Kenya

Mareeg.com: Ciidamada Kenya iyo Alshabaab ayaa shalay ku dagaallamay degaamnka Lamu ee gobolka Xeebta dalkaas.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milateriga Kenya, dagaalka ayaa bilowday kadib markii Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari weyn oo siday milateriga Kenya oo kusii jeeday Soomaaliy.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay mid ka mid ah Ciidamada Kenya uu ku dhintay iska hor imaadka, halka saddex kalena dhaawacyo fudud ay soo gaareen. Warka ayaa dhanka kale lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 6 ka mid ah Alshabaab.

Af hayeenka Milatariga Kenya David Obonyo ayaa sheegay in Xoogaga ka tirsan al-shabab ay markii hore weerareen gaari weyn oo waday ciidamo ku sii jeeday dhinaca Somalia, si ay ugu biiraan holwgalka AMISOM ee midowga Africa.

Askarta oo ka baxay Lamu ayaa ku wajahnaa saldhiga ay ciidamada AMISOM qeybta Kenya ku leeyihiin magaalada Ras Kamboni, hase ahaatee waxaaa weerar kadis ah kusoo qaaday dagaalyahanada shabaab oo kasoo baxay keynta Boni Forest.

Mr Obonyo ayaa xaqiijiyay in ay ilaa 6 dagaalyahan oo hubeysn halkaasi ku dileen, balse sidoo kale uu sheegay in dhankooda uu 1 askari kaga dhintay dagaalka

Bartamihii sanadki lasoo dhaafay ayey ahayd markii dabley hubeysan ay ku dhawaad 100 qof ku dileen weeraro ka dhacay Lamu.

Mareeg Media 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.