Milateriga Itoobiya Oo Wata Astaanta Amisom Oo Xalay Ku Qulqulay Guriceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milateriga Itoobiya Oo Wata Astaanta Amisom Oo Xalay Ku Qulqulay Guriceel

Guriceel – Mareeg.com: Ciidamada Itoobiya oo wata astaanka AMISOM ayaa xalay gaaaray deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guriceel, Cusmaan Ciise Nuur “Taardhuleed” oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo wata ilaa 40 gaadiidka dagaalka ah ay xalay tageen Guriceel.

Taar-dhuleed wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo qorshaha ay damacsan yihiin ciidamada Itoobiya ee halkaas tegay, wuxuse xusay inuu jiro qorshe guud oo Alshabaab looga saaro deegaano ka tirsan Galgaduud.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee AMISOM ku biiray ku jiheysan yihiin deegaano ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya oo Alshabaab maamulaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan ku biiray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaana la sheegay iney ka howlgelayaan Baay, Bakool Gedo iyo Galgaduud.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!