Milateriga Ciraaq oo lagu qasbay inuu ka gurto magaalada Tikrit

Tikrit: Mareeg.com: Milateriga dalka Ciraaq ayaa lagu qasbay inuu dib uga gurto magaalada Tikrit, halkaasoo ay heystaan dagaalyahanada Suniyiinta ah ee ISIS.

Ciidamada dowladda uu hogaamiyo Raysulwasaare Nuuri Al-maaliki ayaa shalay oo sabti ah weerar cirka iyo dhulka ku qaaday magaalda Tikrit, waxaana dagaal saacado badan qaatay kadib ciidamada Nuuri Al-maaliki dib uga laabteen magaalada, kadib markii ay la kulmeen iska cabin xoog leh.

Sida ay wararka sheegayaan dagaal culus oo dhacay ayaa labada dhinac u geystay qasaaro. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ciraaq ay ku adkaatay inay gaaraan bartamaha Tikrit, sababtoo ah maleeshiyada ISIS ayaa jidka dhigay miinooyin.

Ciidamada Ciraaq ayaa dib ugu gurtay deegaanka Dajla oo 25 KM dhanka Koofureed ka xiga magaalada Tikrit, halkaasoo dhawaan ay ciidamada dowladdu kala wareegeen ISIS.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ISIS ay soo rideen diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Ciraaq, islamarkaan gacanta ku dhigeen baylootdkii weday.

Dhanka kale, waxaa dowladda Ciraaq soo gaaray diyaaradaha dagaalka Sukhoi, qaybtii ugu horaysay oo uga yimid Ruushka.

Cabaas Al-bayaati oo ka mid ah guddiga amaanka dalka Ciraaq ayaa sheegay in diyaaradahan oo gaaraya ilaa 10 ay 28-kii bishaan June ay ka degeen dhowr garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin ciidamada dalkaas.

Wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegtay in diyaarada ay howlgali doonto maalmo gudaheed, qaar kalena ay iman doonaan.

Dalka Ciraaq ayaa waxaa ku haradamaya ciidamada dowladda uu hogaamiyio Nuuri Al-maaliki iyo dagaalyahano Suniyiin ah oo ay ku tunweyntahay ISIS oo ah jabhad aad u hubeysan oo la magic baxday “Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam”.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245