Milatariga Somalia oo Al Shabaab kala wareegay Deegaano Cusub iyo Dhaq dhaqaaq ciidan oo socda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Milatariga Somalia oo Al Shabaab kala wareegay Deegaano Cusub iyo Dhaq dhaqaaq ciidan oo socda

Mareeg.com-Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgalo ay Al Shabaab uga saarayaan deegaano iyo Tuulooyin ku yaala gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.

Howlgal ay Ciidamada Milatariga Soomaaliya sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay ayey kala wareegeen Xarakada Al Shabaab deegaano iyo Tuulooyin gacanta ugu jiray.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali Caanod, ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka in ay la wareegeen deegaano ay maamulayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Abaanuulaha Ciidanka Xooga Soomaaliya in ciidanka Milatariga la wareegeen deegaanada Basra ,Daniga Baalow iyo tuulooyin kale oo muhiim ah oo u dhaxeeya Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa xiligan wada dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan, waxa ayna Ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM isku diyaarinayaan duulaan ay ku qaadaan deegaano hor leh ay maamulaan Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!