Miino qadiimi ah oo afar ruux ku dishay deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud

Read Time:36 Second

Muqdisho – Mareeg.com: 4 qof ayaa dhintay 2 kalana wey dhaawacmeen kadib markii miino la qaraxday gaari marayey deeganka Dhabad oo ka tirssan gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha deegaanka Dhabad, Aadam Cabdinuur ayaa sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen wadihii gaariga iyo 3 kale oo la socotay, halka 2 kalana dhaawacmeen.

Aadam Cabdinuur ayaa sheegay in miinada ku qaraxday gaarigan ay tahay mid halkaas la geliyey xilligii ay dagaalamayeen Itoobiya iyo Soomaaliya dhamaadkii todobaatameeyadii.

Gaariga miinadu la qaraxday oo ahaa nuuca loo yaqaano HOMY ayaa la sheegay inuu caano ka qaadayey deegaan dhawaan roob ka da’ay oo ay degeen xoolaley farabadan.

Miinooyinka waqti hore la geliyey dhulka ayaa mararka khasaare ka geysta deegaannada xadka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %