Miino Ka Qaraxday Bartamaha Iskuul Ku Yaalla Burco Oo Dhimasho Sababtay

Burco – (Mareeg.com): Hal qof ku dhintay qaraxa miino nuuca dhulka lagu aaso ah oo aheyd nuuca gaadiidka loogu talagalay ee Ant-tangi loo yaqaano, kaasoo saaka ka dhacay magaalada Burco eee xarrunta gobolka Tgodheer.

Miinada ayaa la kacday gaari ay laheyd shirkadda Beder ee korontada siisa magaalada Burco, waxaana ku dhintay qof ka mid ah shaqaalaha shirkadaas.

Miinadan ayaa gaariga kula kacday bartamaha dugsiga hoose dhexe oo ku yaala koonfurta bari ee Magaalada Burco oo ay maanta ardaydu fasax ka ahaayeen curashada sanadka cusub ee islaamka awgeed.

Marxuumka ay miinadani dishay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Mustafe Yuusuf Mire oo ah Farsamayaqaanada dabka shirkada Beder iyo waliba gari Xamuula iyagoo xiligaasi ku guda jira hawlo dabgelin ah dugsiga Hoose Dhexe oo qayb kamida dhismihiisa Gacanta lagu hayay.

Qaybaha cusub ee dugsigan ayaa hadda bil ka hor waxaa halkaasi dhagax dhigay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” oo isaga iyo wefti culusi ay goobtan ay miinadu ka qaraxday ku sugnayeen muddo nusesaac ah halkaasi oo ay ka mid ahayd goobihii ay gaadiidka madaxweynuhu Taagnaayeen.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarji) Taliyaha Qaybta Booliska C/raxmaan Axmed Ilkacase, Ku simaha Duqa Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday), Xooghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Cismaan Maxamed Sheikh Cismaan iyo xubno kamid ah xildhibaanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa gaaray goobta qaraxaasi ka dhacay.

Mas’uuliyiintaan ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka miinadaas ku geeriyooday qaraxaas miino.

Maamulka magaalada Burco ma aysan sheegin waxa loo maleynayo in miinadani aheyd, hase ahaatee waxaa loo badinayaa iney tahay miino goor hore dhulka la geliyey xilliyadii dagalladii sokeeye.

Mareeg.com