Midowga Yurub Oo tababar siinaya Ciidamada dowladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Yurub Oo tababar siinaya Ciidamada dowladda Soomaaliya

Brussels  ( Mareeg)-Midowga Yurub ayaa shaaciyay in dalka Uganda ay ka bilabeen tababarida in ka badan 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya .

Ciidamadan la tababaraya ayaa la barayaa ka dagaalanka Magaalooyinka  iyo xirfado kale oo muhiim ah sida tababarayaasha Midowga Yurub ay warbaahinta u sheegeen.

“ Howgalkan aanu ku tababarka ku siinayno Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya waxa uu qayb ka yahay tababaradii aan horay u siin jirnay Ciidamada qaranka Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraradda dhaq dhaqaaqa Soomaaliya ka dagaalama ee dowalda ka soo horjeeda ay ka fuliyan gudaha Soomaaliya” Sidaasi waxa lagu yiri warka qoraalka ee ee Howlgalka Midowga Yurub.



Sarkaal ka tirsan Midowga yurub oo lagu magacaabo Colonel Gonzales Elul. ayaa sheegay in mudada tabarka ay qaadan doonto  14 bilood.

Colonel Gonzales Elul ayaa ku nuuxnuuxsaday  in ay sii wadi donaan tababarsiinta Ciidamada dowlada Soomaaliya si ay ugu guulaystaan hanashada amniga dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.