Midowga Yurub oo shaaciyey in ciidamo ka joogaan Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Yurub oo shaaciyey in ciidamo ka joogaan Soomaaliya

Mareeg.com: Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa markii ugu horreysay qiray in midowga Yurb ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Wakiilka EU

Michele Cervone d’Urso oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da Laanta Afka-Soomaaliga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay Soomaaliya u joogaan in ay tababaraan isla markaana talo siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in ilaa 150 askari ka joogaan Soomaaliya. balse waxaa la rumeysan yahay in ciidanka EU ka jooga Soomaaliya ay intaas ka badan yihiin.

“Waxaa Soomaaliya ku sugan ilaa 150 askari ciidamo milateri oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasoo xoojinaya tayada ciidamada Soomaaliya, islamarkaana talo siinaya wasaaradda gaashaandhiga, sidoo kalana xerada Jaziira ku tababara ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.

Wariyaha Mareeg Media ee Muqdisho ayaa 30-kii Janaayo ee bishii hore arkay kolonyo ka kooban 4 gaadiidka gaashaaman ah oo ay leeyihiin, islamarkaana wataan ciidamada Taliyaaniga, kuwaasoo marayey isgoyska Sanca.

Mareykanka ayaa isagu horay u sheegay in ciidamo aan badneyn oo tababarayaal iyo farsamo isugu jira ay ka joogaan Soomaaliya, si ay u garab siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Fur link-ga hoose si aad u aqriso warkii Mareeg Media arrintaan ka qortay 31-kii Janaayo ee bishii hore.

http://www.mareeg.com/xog-rasmo-ah-kolonyo-ka-tirsan-milateriga-taliyaaniga-oo-lagu-dhex-arkay-muqdisho/.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!