Midowga Yurub Oo Ku Amaanay Baarlamanka Soomaaliya Qaabeynta U Codeyntii Xukuumada

Read Time:55 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Ururuka Midowga Yurub ayaa hogaanka iyo baarlamaanka Soomaaliya ku ammaanay qaabka uu u maareeyay codayntii uu 2-dii bishaan kalsoonida ku waayay ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabad siyaasadeed oo xoog leh, wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka iyo hoggaanka federal-ka ay muujiyeen mas’uuliyad, intii ay socotay codaynta.

Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay muujiyeen in dantooda ay ka horumarinayaan danta qaranka, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya Cabdi Faarax Shirdoon ku bogaadiyay doorkiisa hoggaan iyo waxqabadka uu la yimid muddadii uu xafiiska joogay.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa tilmaamay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inuu sii wado taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

2-dii bishaan ayaa baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala laabtay R/wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa, waxaana qaabka codeyntaas u dhacday amaanay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %