Midowga Yurub oo dagaal ku qaadaya kuwa dadka ka tahriibiya Liibiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Yurub oo dagaal ku qaadaya kuwa dadka ka tahriibiya Liibiya

Mareeg.com: Wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa ansixiyay qorshayaal lagu sameynayo ciidan badeed la dagaallama qolyaha dadka tahriibiya ee jooga Liibiya.

Haweeneyda Midowga Yurub u ah madaxa siyasadda, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in howlgalka uu isku dayi doono inuu kala dhantaalo, qaabka ganacsiga ee shabakadaha dadka sida sharci darrada ah uga gudbiya badda Mediterranean-ka.

Midowga Yurub ayaa ku talla jira in howlgalka ciidan uu bilowdo bisha soo socota, iyadoo xaruntiisu noqon doonto caasimada Roma ee dalka Talyaaniga.

Ciidammada badda ee Midowga Yurub uu diyaarinayo ayaa waxaa hoggaamin doona Adm Enrico Credendino, oo u dhashay dalka Talyaaniga ahaana taliyihii howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad baddeeda Soomaaliya.

Danjiraha Liibiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ibrahim Dabbashi, ayaa sheegay in dowladdiisa aanan laga tashan howlgalka la doonayo in dhulkeeda laga fuliyo.

Waxa uu intaa ku daray in qorshaha Midowga Yurub ee ah burburinta doomaha kuwa wax tahriibiya ay ka dhalan karto khasaare ku yimaada dadka rayidka ah.

In ka badan 1,800 oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan 2015-ka ku dhimatay badda Mediterranean-ka.

Dhawaan , warbixin lasoo saaray ayaa lagu sheegay in mintidiinta Khalaafada Islaamiga ah ay xubno ka tirsan u tahriibiyaan qaaradda Yurub, iyadoo ka dhex qarinaya dadka Muhajiriinta ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!