Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsamay kala shaandeynta guddiga doorashooyinka ee xukuumadda ku dhawaaqday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsamay kala shaandeynta guddiga doorashooyinka ee xukuumadda ku dhawaaqday

Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimo ee Soomaaliya ee ku mideysan golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala qeybsamay hanaanka loo maray kala shaandeynta xubnaha guddiga doorashooyinka.

Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan guddi wasiiro ah oo arrintaan loo xil saaray ayaa 34 xubnood ka saaray guddiga lagu muransanyahay ee cabashada ka gudbiyeen midowga musharaxiinta.

Xubnaha la saaray ayaa u badnaa shaqaalo dowladeed oo ka kala tirsan NISA, Villa Somalia iyo waliba hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa ku tilmaamay mid aan si wanaagsan loo turxaan bixin xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed.

Waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur hadalkiisa intaa ku daray”  Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha.Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan.  Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay”

Dhanka kale Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay kala shaandeynta guddiga doorashooyinka waxaana qoraal uu soo saaray uu ku yiri:

Waxaan soo dhaweynayaa go,aanka gudiga heer wasiir ee kala shaandheynta gudiga doorashooyinka. Anigoo u arka in ay gudigu dadaaleen, muujiyeena faafreeb ilaa xad lagu kalsoonaan karo.

Waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda daganaasho iyo xasilooni siyaasadeed.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.