Midowga Musharaxiinta oo Jawaab kulul siiyay Madaxweyne Qoorqoor

Read Time:1 Minute, 2 Second

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed ayaa ka hadlay hadalkii Maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa inay fashilantay Waan-waantii uu waday ee la xiriira Khilaafka ka taagan Doorashada dalka ka dhaceysa.

Afhayeen Ridwaan Xersi ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu ka been sheegay dhex-dhexaadintii uu doonayay inuu ku xaliyo khilaafka iyo caqabadah weli ku hor gudban qabsoomida doorashada 2021.

Sidoo kale Afhayeen Ridwaan ayaa la yaab ku tilmaamay in Madaxweynaha Galmudug yiraahdo yiraahdo jawaab ayaan ka weynay dhinaca kale oo ula jeeday Musharaxiinta, wuxuuna Ridwaan xusay inay iyaga Jawaab ka sugayeen Qoorqoor.

“Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweyaha.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Ridwaan Xersi ayuu sheegay in aysan suura-gal aheyn sida hada ay wax ku wado dowladda Federaalka oo xusay in lagu boobayo doorashada, ayna wax aan wanaagsaneyn dowladda ka qaatay doorashada 2021.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.