Midowga Musharaxiinta oo Farmaajo ugu baaqay inuu iscasilo kana tanaasulo musharaxnimadiisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Musharaxiinta oo Farmaajo ugu baaqay inuu iscasilo kana tanaasulo musharaxnimadiisa

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac darran ka muujiyay xaaladda dhalinyarada tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Eratariya, kuwaasi oo la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Ummada Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan wel-welka iyo walaaca ay ka qabaan dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eratariya ee nolo iyo geeri lagu la’yahay.

Musharaxiinta ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay mid aan la iska indho-tiri karin, isla markaana uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee xilgaarsiinta ayaa waxa ay Golaha ku eedeeyeen inuu Guddi magaca u yaal u magacaabay welwelka ay qaatan waalidiinta dhalay dhalinyarada tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Eratariya oo dhowr jeer banaanbaxyo ka dhigay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Midowga ayaa Farmaajo ugu baaqay inuu garowsado inuu ku fashilmay xilkii loo dhiibay, uuna ku takri falay ilaalinta Dastuurka dalka, isla markaana uu iska casilo xilka oo mar labaad doonayo inuu isku soo sharaxo hoggaaminta dalka.

Hoos ka Akhrso War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.