Midowga Afrika oo ku qanacsan qaabkii lagu soo afjaray khilaafka madaxda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Afrika oo ku qanacsan qaabkii lagu soo afjaray khilaafka madaxda Soomaaliya

Mareeg.com: Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM, danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay habka baarlamaanka Somalia uu kalsoonida ugala laabtay ra’iisul wasaaraha DFS, C/weli Sheekh Axmed.

Danjiruhu wuxuu sheegay in habka uu baarlamaanku u maray kalsooni kala laabashada xukuumadda, C/weli Sheekh Axmed uu yahay mid lagu soo af-jaray khilaafkii taagnaa. Wuxuuna xusay in xildhibaannadu ay xal waara ka gaareen murankii jiray.

Sidoo kale, danjire Sidikou ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hadalladii ay jeediyeen madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed kaddib go’aankii baarlamaanka Soomaaliya.

“Natiijadii codeyntii baarlamaanka Soomaaliya kasoo baxday iyo hadalladii ay jeediyeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxay muujiyaan inay hay’adaha kala duwan ee dowladdu awood u leeyihiin inay xal u heli karaan dhibaatooyinka noocan oo kale ah,” ayuu yiri danjire Maman Sidikou.

Danjiraha ayaa sheegay inay Midowga Afrika ka go’an tahay inay taageeraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo aragtida 2016-ka iyo is-afgaradka heshiis cusub ee Somalia.

“Madaxweynaha Somalia waa inuu kusoo magacaabo mudada 30 maalmood ah ee uu baarlamaanku u qabtay, waxaana ku talinayaa in la tashiyada ku aaddan soo magacabidda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya la badiyo,” ayuu ku daray hadalkiisa danjire Maman Sidikou.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay ra’iisul wasaaraha cusub uu howsha halkaas kasii wado oo ay ku jiraan dalalka sameynta nidaamka federaalka, dib u eegista iyo ansixinta dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho 2016-ka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!