Midowga Afrika oo aqbalay codsigii Dowladda Federalka Soomaaliya ay u gudbisay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Afrika oo aqbalay codsigii Dowladda Federalka Soomaaliya ay u gudbisay

Golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika oo kulan aan caadi aheyn yeeshay 11 May 2021 ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM iyagoo aqbalay dalabkii DF Soomaaliya u gudbisay ee ka dhanka ahaa ergeyga ay soo magacowday.

Intii uu kulanka socday waxaa qudbado jeediyay madaxda ugu sareysa Midowga Afrika, wakiilka gaarka ah ee AU u qaabilsan Soomaalia, wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane CabdiSaciid Muse Cali.

Midowga Afrika ayaa isla qiray in la ilaaliyo madax banaanida, midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, waxaana lagu adkeeyay taageerada  Midowga Afrika ee Dowladda Federalka iyo shacaba Soomaaliyeed.

Marka 1-aad wuxuu golaha amniga iyo nabadda Qaramada Midoobay soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka Golaha Shacabka ay kaga noqdeen muddo kordhintii ay u sameeyeen hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha oo Laba sano ay u kordhiyeen.

Wuxuu golaha soo dhaweeyay in lagu laabto heshiiskii 17-September, iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo waqtigeeda lagu qabto iyadoo ay tahay mid loo dhan yahay.

Marka 2-aad wuxuu golaha Midowga Afrika ay ku amaaneen madaxweyne Farmaajo inuu aqbalay in uu ka laabtay Labadii sano ee uu ku darsaday islamarkana Ra’isul wasaare Rooble ugu wareejiyay hogaanka doorashada iyo amniga.

Waxey dhanka kale soo dhaweeyeen guddiga mucaaradka iyo xukuumadda ee ku heshiiyay qaboojinta xaaladii cakirneyd ee magaalada Muqdisho ay gashay iyo in lagu dhawaaqay shirka wadahallada doorashooyinka ee 20-ka May ka furmi doono Muqdisho.

 

Waxey Golaha walaac ka muujiyeen xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyagoo sheegay iney sii xumaaneyso oo weeraro ay ka fuliyeen ururka Al shabaab kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday xarumo dowladeed iyo waliba dad shacab ah.

Golaha ayaa ka digay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed loo isticmaalo dano qabiil ama ay qabaa’ilo u kala saftaan taa oo dalka ku celin karta halkii laga soo gudbay iyagoo sheegay in midaas ay ka hor imaaneyso amniga iyo kala dambeynta.

Waxa uu golaha ka dalbaday saamileyda siyaasadeed ee dalka iney ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iney sii daba dheeraato xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo midda amni waxeyna ku baaqday in la raaco heshiiskii 17-kii September iyo talo bixintii guddiyadii farsamo ee ku shiray magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii Golaha amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay iney dib u eegis ku sameynayaan ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya kaa oo Dowladda Federalka ay ka hor timid magacaabistiisa.

Wakiilka AU u soo magacowday Soomaaliya ayaa ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana Mr John Dramani Mahama, waxaana Midowga Afrika uu sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim

Abdiazizh99@gmail.com

Muqdisho-Somalia             

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.