Mid kamid ah taliyaasha ciidamada daraawiishta Puntland oo lagu dilay duleedka Boosaaso

Mareeg.com-Taliyihii ciidanka daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud) ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday isagoo marayay duleedka magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka taliyahan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dilkiisu uu ahaa qarax ka dhashay miino la galiyay wadada.

Si kasta ha ahaatee Taliye Jaamac Afguduud ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray kadib markii la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso.

Saddex ka mid ah ilaalada taliyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkan oo la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Yalho ee duleedka Boosaaso.

Weerarka ayaa u muuqday mid gaadmo ah, waxaana taliyaha uu ka tagay magaalada Bosaaso isagoo ku sii jeeday aaga Galgala.

Dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaan iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay qaraxaan.
Weerarkan lagu qaaday taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland deegaanka Gal-gala ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta maxkamad ku taal magaalada Garowe ay ku xukuntay 8 dhalinyaro ah min labaatan sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen ururka Alshabaab.