Mareeg Media
Somalia

Mid kamid ah ragii weeraray Xaruntii Sheekh Cabduweli Cilmi Yare oo la xukumay

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin loo heysto weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Ninkan oo maxkamdeyntiisa ay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhawaan gaareen Saraakiil uu ka mid yahay Guddooomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa lagu Magacaaba Cabdullaahi Cali Aadan, waxaana Maxkamadda ku riday xukun dil toogasho ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay,isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro iyo dilal loo geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddooomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa sheegay in,kadib markii ay dhageysatay doodii Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada iyo qareenkii difaacayey la cadeeyey in Cabdullaahi Cali Aadan uu ka tirsanaa Al-Shabaab galayna dambiga lagu soo eedeeyey,isla markaana lagu xkumay dil toogasho uu racfaan u furan yahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!