Mid Kamid Ah Maamul Goboleedyada Dalka Oo Magaca Iska Badalaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mid Kamid Ah Maamul Goboleedyada Dalka Oo Magaca Iska Badalaayo

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Osoble  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe ku aadan in gabi ahaanba la badalo Magaca Hirshabeelle oo loo bixiyay Maamulkaas ka hor doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar sanadkii aynu soo dhaafnay.

 Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Osoble ayaa sheegay in magaca Hirshabeelle uu yahay wax la bixiyay islamarkaana la badali karo hadii loo baahdo.

“Magaca Hirshabeelle waa magac oo kaliyah waana la badali karaa, waxaad arkaysaa gabar la oran jirey isniino oo leylo baxsanaysa, run ahaantii magaca Hirshabeelle macno weyn ma sameenayo, waxaad eegtaan maamulada kale ee dalka ka jira magacyadda loo bixiyay sida Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaliya,waxaa  noo furan in aan iska badalno magaca Hirshabeelle, aan baxsano magacyo qiimo badan sida ay sameeyeen oo kale Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaliya, oo aan ka tagno Magaca Hiiraan iyo Shabeelle, oo la isku yiraahdo Hirshabeelle,”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Osoble  .

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Cali C/laahi osoble  ayaa sheegay In go’aanka Magac ka badalka Hirshabeelle loo gudbin doono Baarlamaanka Hirshabeelle si ay u meel mariyaan badalka magaca.

Maamulka Hirshabeelle oo lagu dhisay Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulkaas, ayaa magaca bixintiisa qilaaf dheer iyo isjiid waxaa lagu guuleystay in loo bixiyo Hirshabeelle, oo macno ahaan ah Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!