Mid kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyoodey

Read Time:45 Second

Wararka laga helayo Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyootay haweeney kamid aheyd dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee dhaawac ahaan loogu qaaday dalkaas.

Dad ku sugan Ankara ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in markii dhaawacyada laga dejiyey Diyaarada ay goobta ku geeriyootay Aamino Cumaan Kheyre oo dhaawaceeda uu ad u cuslaa,taas oo la filayo in Saacadaha soo socda lagu Aaso Ankara.

Dhaawacayada loo qaaday turkiga oo ahaa kuwa ugu liitay dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo qeybiyey Saddex Isbitaal oo ku yaalla Magaalada Ankara si loogu daaweeyo,hayeeshee waxaa wararka la helayo ay sheegayaan in haweeney kamid aheyd dadka dhawaca ah ay geeriyootay.

Wararaka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Soomalaida ku nool dalka Turkiga ay wadaan dadaaalo farabadna oo ku aadan sidii ay daawooyin u heli lahaayeen dadka dhaawaca ah,iyaga oo iska aruuriyey dhaqaalo farabadan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.