Mid ka mid ah xubnaha golaha wasiirada cusub oo is casilay (Sababta) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mid ka mid ah xubnaha golaha wasiirada cusub oo is casilay (Sababta)

Mareeg.com: Mid ka mid ah labadii wasiir ku xigeen ee Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo ka mid ah liiska xukuumadda ee uu habeen hore soo saaray RW Cumar ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay.

C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu isu casilay labo sababood oo kala ah: Inuusan marka hore diyaar u aheyn dagaal iyo beeshiisa oo saluugtay xilka loo dhibaay.

“Markii aan la tashtay xildhibaanada beesha waxaa go’aansaday inaan iska casilo xilkaas oo aan markii horeba la igala tashan” ayuu yiri C/raxmaan Dheere.

“Anigu diyaar uma ihi dagaal, tan kale wax qeybsiga 4.5 ayay qalad ku tahay in beesheyda xilkaas la siiyo, labadaas sababood ayaana isu casilay” ayuu sidoo kale yiri C/raxmaan Dheere.

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi waxaa xilka wasiir ku xigenka Gaashaandhiga la wadaaga wasiir ku xigeen kale oo lagu magacaabo Cabadalla Xuseen Cali, waxaana laga yaabaa in taasi qeyb ka tahay sababaha is-casiladda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!