Mid ka mid ah Shaqaallaha QM oo lagu dilay Gaalkacyo
Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Gaalkacyo xalay ku dilay Maxamed Cabdi Kheyre (Vimto) oo ka mid ahaa shaqaallaha Hay’addaha Qaramada Midoobey ee ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dilka ayaa ka dhacay qeybta Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana Vimto toogtay labo nin oo Bastoolado ku hubeysan xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda Astaan Hobyo ee Gaalkacyo.
Vimto ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaano degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu ahaa Madaxii Amniga Hay’addaha Midoobey ee degaanada maamulka Galmudug.
Dadka degaanka Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka maamulka Galmudug.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Viimto.
Comments are closed.