Mid ka mid ah shaqaalaha Radio Dalsan oo la dilay iyo NUSOJ & SIMHA oo cambaareyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mid ka mid ah shaqaalaha Radio Dalsan oo la dilay iyo NUSOJ & SIMHA oo cambaareyey

Muqdisho – Mareeg.com: Maxamed Xasan Camaar oo ka mid ah Shaqaalaha Idaacadda Dalsan ayaa shalay gelnkii dambe lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalladdan Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa Weriyaha ku toogatay Jidka Koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyagoo la dhacay dhowr xabbadood.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay dableydii baxsatay kadib, markii ay dileen Weriye Maxamed Xasan Camaar oo ka mid ahaa Shaqaalaha Waaxda Suuq-geynta ee Dalsan Radio, islamarkaana u qaabilsanaa suuqgeynta.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay dil shalay oo taariikhda aheyd 21-ka April loogu geystay Suuqa Bakaaraha shaqaale ka tirsan Idaacada Dalsan oo ka mid ah warbaahinta ka howl gasha magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay NUSOJ ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dhowr jeer rasaas la dhaceen Maxamed Cumar Maxamed oo loo yaqaaay Camaar oo shalay gelinkii dambe abaarihii 5:45 ee galabnimo lagu dilay Suuqa Bakaaraha.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa sheegay inuu si aad ah u cambaareynayo falkaas waxashnimada oo qeyb ka ah ugaarsiga iyo tacadiyada lagu haayo suxufiyiinta.

Allaha u naxariistee Maxamed Camaar ayaa u qaabilsanaa Idaacada Dalsan dhinaca Suuq Geynta oo labadii todobaad u dambeysay ka shaqeyayay, waxaana uu u aaday Bakaaraha si uu guto waajibaadkiisa dhinaca suuq geynta.

Agaasimaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geesey ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Camaar, waxaana uu tilmaamay in aanay ka hor-joogsan doonin dilkan howsha ay u hayaan shacabka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso kiiskaas, si ay u suurta gasho in dambiilayaashii dilay cadaalada loo horkeeno.

Waxaa sidoo kale, dilka weriyahaas cambaareeyey dalladda Midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee loo soo gaabiuyo SIMHA.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka si ba’an loogu beegsado dadka ka shaqeeya warbaahinta, iyadoo sanadihii lasoo dhaafay Soomaaliya lagu dilay toboanaan weriye.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More