Ciidanka Kumandoska ee Danab oo burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Kumandoska ee Danab oo burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta howl gallo qorsheysan oo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ka fuliyeen degaanka Goobaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Deegaanka Goobaanle ayaa saldhig ay isku uruursadaan u ahayd Al Shabaab, hase yeeshee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo adeegsanaya xeelado sare oo dhanka dagaalka ah ayaa si fudud halkaasi ku galey, isla markaana burburiyey dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ay ka wadeen argagixisada, iyagoo aan la kulmin wax iska caabbin ah oo sidaa u weyn”ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in goobtan ay u aheyd Al-Shabaab inay ku keydsadaan hubka iyo qalabka kale ee dagaalka ee ay u adeegsadaan weerarada argagixiso sida lagu yiri War saxaafadeedka.

“Jabkani ayaa waxaa uu ka dhigan yahay guul u soo hoyatey shacabka degaanka Goobaanle iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa dhowaanahan guuldarooyin waaweyn loogu geystey goobo ka baxsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida gobolka Jubbada Hoose iyo goobo kale”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka uu ku saxiixnaa Afhayeenka Madaxtooyada.

Ciidamada Soomaaliyeed ee sida gaarka ah u tababaran ee hoos yimaada Ciidanka Qalabka Sida, ayaa hawshooda ay tahay inay meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Guulahan ayaa muujinaya in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay argagixisada Al Shabaab ka suuliyaan Soomaaliya oo dhan sida lagu yiri War saxaafadeedka.

2-dii bishan ayay aheyd markii war saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada lagu sheegay in dhowaan howl gallo laga bilaabayo gobollada Jubbooyinka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!