Mid ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Banaadir oo maanta xilka laga wareejinayo

Read Time:39 Second

Muqdisho– Mareeg.com: Waxaa la filayaa in maanta xilka uu wareejiyo gudoomiyaha degmada Boondheere, Cumar Istakiin, kadib markii booskiisa loo magacaabay gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan gudoomiyaha degmada Boondheere u magacaabay, Qaasim Cabdulle Xasan (Qaasim Dheere) oo ah nin dhallinyaro ah oo wax kusoo bartay dalka Yemen.

Waxaa lagu wadaa in maanta xarrunta degmada Boondheere lagu qabto munaasabad ay xilka kula kala wareegayaan gudoomiyihii hore Cumar Istakiin iyo gudoomiyaha cusub, Qaasim Cabdulle.

Horay waxaa xilka looga qaaday gudoomiyaashii degmooyinka Shibis, Hiliwaa iyo Dharkeynley, waxaana degmooyinkaas loo dhibaay rag dhallinyaro ah wax soo bartay.

Inta badan gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ahaa rag kazoo jeeday hogaamiye kooxeeyadii Muqdisho, halka qaar kalana ay magacaabeen dowladihii KMG ahaa, kuwaasoo iyaguna u dhaqmayay qaab maleeshiyo beeleed.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %