Mid ka mid ah dalalka Yurub oo qabanaya kulan caalami ah oo ku saabsan amaanka Soomaaliya

Mareeg.com: Dowladda Denmark ayaa shaacisay in ay martigalin doonto bisha November ee sanadkan 2014 kulan heer caalami ah oo ku saabsan taageerida dib u soo celinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay wasaaradda arrimaha dibedda Denmark soo saartay ayaa lagu sheegay in kulankaasi dhici doono 19-ka iyo 20-ka November 2014.

Dowladda Denmarka ayaa sheegtay in kulanka ay wada guddoomin doonana dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayna ka qayb gali doonaan ilaa 60 qof oo mas’uuliyiin sarsare ah iyo in ka badan 3 boqol oo qof oo ka qayb qaadanaya shirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Martin Lidegaard, ayaa sheegay in kulanka uu horseed u noqon doono sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel ka madax bannaan dagaalada sokeeye, ayna ku noqon laheyd mid nabdoon.

Dowladda Denmark, ayaa horay ugu yaboohday lacag dhan 2 boqol oo milyan oo lacagta dalkaas ah si loogu taageero dadaalada horumarinta iyo xassilinta Soomaaliya oo ay ku jiraan horumarinta caddaaladda, dhiirigalinta kubaca dhaqaale iyo shaqo abuurka, la dagaalanka burcad badeedda iyo soo celinta amniga.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245