michael keating oo war kasoo saaray xiisadda Kheyre iyo Jawaari

Read Time:43 Second

Muqdisho (Mareeg News )  QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin guulihii siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwii amni ee la gaaray, islamarkaana ay dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan hogaamiyayaasha Soomaalida iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sharciga dalka iyo dastuurka, ayna u adeegsadaan xalinta khilaafyada jira.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha baarlamanka iyo xukuumadda inay wada-hadal yeeshaan maalmaha soo socda ayna hab nabdoon oo dastuuri ah u adeegsadaan xalinta khilaafyada jira.

Beesha caalamka ayaa bogaadisay kooxaha iyo shaqsiyaadka isku dayaya inay xaliyaan khilaafyada jira, ayna garab taagan yihiin.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo guddoomiye Jawaari, kaasi oo uu gadaal ka riixayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %