Meydka Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu arkay Muqdisho

Read Time:35 Second

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa Saaka lagu arkay Wadada Makah Al-Mukaramah ee Muqdisho gaar ahaan luuqa Hotelka Kuwait Plaza Degmada Waaberi.

Ciidanka Booliska ayaa saakay halkaasi ka qaaday meydka wiilkaan dhalinyaradda ah, waxaana loo qaaday xarunta dambi baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dadka goobaha Ganacsiyadda ku leh goobta ayaa Risaala u sheegay in wiilkaan korkiisa aysan ka muuqan wax dhaawacyo ah,islamarkaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda Karaabadda Isticmaasha ee ku sugan halkaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkaan ay dishay Koronto xilli uu ku howlanaa ka furashadda qalabka ku rakiban Baalayaasha Midkood.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo Ciidanka Booliska oo ku aadan Meydkaan wiilkaan laga helay Muqdisho.

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.