Meydka qof la la’aa oo laga helay deegaan ka tirsan Mudug

Read Time:33 Second

Wararka saaka ka imaanaya Deegaanka Dawgaab ee Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegaya in Ruux ka mid ahaa Bulshada Deegaanka ku geeriyooday halkaas

Geerida Ruuxaan ayaa timid kadib markii uu ku dhacay Barkad ama Baraag biyaha laga cabo oo ku taala Duleedka Deegaanka Dawgaab

Ninka Geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Xasan-nuur sh Cabdi Maxamed Maxamuud kana mid ahaa Dadka Reer Dawgaab si weyna looga garanayay Deegaanka

Ninkaan ayaa la sheegay in maalmo la baadi goobayay hasa yeeshee shalay ayaa maydkiisa laga helay Baraag ku taala Duleedka Deegaanka sida ilo wareedyo  sheegeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xasan Nuur madaxa  looga jiray oo uu waayadaan xanuunsanaa.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %