Meydka nin la gowracay oo saaka laga arkay Lafoole

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu arkay meydka nin la gowracay.

Sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyihii hore ee deegaanka Lafoole, Cabdi Weli, ma jirto ilaa hadda cid garatay ninkaas meydka ah ee la gowracay.

Lama oga cidda dilkaas geysatay, waxaana halkaas saaka isugu soo baxay dadka deegaanka oo la yaabaya falkaas naxdinta leh. Mana ku cusba Muqdisho iyo agagaarkeeda dilalka nuucaas ah

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245