Meydka Masuul Ka Tirsan Maamulka Somaliland Oo Laga Helay Hotel Dhaca Bariga Hargeysa

Hargeysa, Mareeg.com: Mid ka mid ah Hotelada hurdada ee magalada Hargeysa ayaa galinkii dambe ee shalay laga helay nin mayd ah oo ku jira mid ka mid ah qolalka hotelkaasi.

Hotelkan oo lagu magacaabo Beel Deeq Hotel oo ku yaalla xafada New Hargeysa ee bariga magaalada ayaa boqol mitir u jira saldhiga booliska New Hargeysa ee laga maamula aaga barri ee Hargeysa.

Warar aan ilaa hada la xaqiijin ayaa sheegay in uu marxuumkan maydkiisa la helay uu yahay gudoomiyihii doorashooyinka ee magaalada Ceerigaabo oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cali Madoobe (Shefay).

Ciidamada Booliska ayaa markiiba goobtaasi gaaray iyaga oo ilaa hada baaris ku wada arrintan, taliyaha saldhiga New Hargeysa oo warbaahintu wax ka weydiisay meydka ninkaan laga helay hotelkaas ayaa ku gaabsaday in ay wali baaris socoto.

Lama oga in ninkaasi u geeriyooday si caadi iyo inuu sababsaday gacan kale, dhawaan ayay aheyd markii mid ka mid saraakiishii jabhaddi SNM uu ka badbaaday isku day dil, iyadoo nin toogan lahaa uu qoriugu u dhici waayey.

Mareeg.com