Meydka labo gaadiidley ah oo laga helay duleedka degmada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Meydka labo gaadiidley ah oo laga helay duleedka degmada Afgooye

Muqdisho – Mareeg.com: Meydka labo nin oo kala ahaa darawal iyo kirishbooy ayaa maanta laga helay meel ka baxsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mid ka mid ah gaadiidleyda oo ku sugan Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga ay wateen labada ruux ee la dilay ay maalin ka hor kireysteen dad burcad ah, kuwaasoo markii ay magaalada ka saareen dilay labadii nin gaariga weday.

“Nimanka la dilay waxaa gaariga ka kireystay dad u sheegay iney wax usoo qaadayaan, waxeyna ahaayeen burcad, markii ay geeyeen meelo beeraha ka mid ah ayay dileen, waxeyna gaariga geeyeen deegaanka Madiina ee Muqdisho, waxaana maanta helnay meydka labadii nin” ayuu yiri mid ka mid ah gaadiidleyda oo warbaahinta gudaha la hadlay.

Wuxuu sheegay in gaarigii iyo nin watay lagu qabtay Madiina, isagoo tilmaamay inuu warbixinta gaarigaas usoo gudbiyey nin darawal ah oo horay u yaqaanay gaariga, kuna sugnaa Madiina.

Dhawaan ayay aheyd markii haweeney nin taksiile ah ka kireystay gaari uu watay xaafadda Juungal ee degmada Yaakhshiid ee magaalada Mqudisho, waxaana dhacday iney u geysay rag hubeysan, kuwaasoo dilay ninkii taksiilaha ahaa, islamarkaana la baxsaday gaarigii.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!