Meydka Askari Jabuuti Looga Dilay Baledweyne Oo La Gaarsiiyey Dalkiisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Meydka Askari Jabuuti Looga Dilay Baledweyne Oo La Gaarsiiyey Dalkiisa

Jabuuti, Mareeg.com: Maydka askarigii ciidamada Jabuuti uga dhintay qaraxii 19-kii bishan magaalada Baledweyne uga dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen saldhiga booliska Baledweyne ayaa la gaarsiiyey caasimadda Jabuuti.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Cumar Rooble Casoowe ayaa wuxuu ku sugnaa Soomaaliya muddo hal sano ah magaalada Baledweyne sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Jabuuti oo maydka askariga ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kadib markii halkaas shalay la gaarsiiye.

Taliyaha ciidamada Jabuuti, Jen. Zakariye oo ka hadlay goobta aaska uu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay ka go’an tahay inay si wadaan howgallada ay ku doonayaan inay kusoo celiyaan amniga Soomaaliya.

Askariga maydkiisa la geeyay Jabuuti ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ciidamada Jabuuti kaga geeriyooda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada uu u diray Soomaaliya aysan kazoo bixin doonin inta dalkaasi ka helayo amaan buuxa, wuxuuna sheegay ineysan cabsi gelin doonin weerarka Alshabaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!