Mareeg Media
Somalia

MD Xaaf oo la kulmay Senator Muuse Suudi

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmahaan ku sugan Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kulan la qaatay Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid ay iska xog-wareysteen xaalada dalka,waxaana Senator Muuse Suudi uu Madaxweyne Xaaf ku amaanay dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhex-maray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Inta lagu guda jiray kulankooda ayaa waxaa ay isku raaceen in la adkeeyo arrinta ku aadan maqaamka Caasimadda oo weli dowladda Soomaaliya aysan go’aan rasmi ah ka gaarin,isla markaana tira ka dhowr jeer khilaaf xoogan dhalisay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!