MD Xaaf oo hal shuruud ku xiray sii socoshada Shirka Garoowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

MD Xaaf oo hal shuruud ku xiray sii socoshada Shirka Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa qeybgalaya Shirka Wada-tashiga DFS iyo Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS oo Maalintii Labaad Ka Socda Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

War-Saxaafadeed uu saaoo saarey Madaxweyne xaaf ayuu ku sheegay in uu doonayo in xal- rasmi ah loo helo arinta Galmudug ka hor inta  aan la guda-gelin wada-tashiga looga arinsanayo arimaha la xariira Amniga qaranka, hannaanka doorashada iyo kheyraad wadaaga.

Waxaa sidoo kale intaasi la raaciyey in  Galmudug doonayso in ajandaha lagu daro xal u helista khilaafka iyo isdiidanaanta siyaasadeed u dhaxeysa Madaxda JFS iyo Galmudug.

War-Saxaafadeedkaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu taagan yahay khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug kaas oo sababay in mudo dhowr bilood ah aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!